Home Afsomali Full VIDEO Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday...

Full VIDEO Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dadkii ku waxyeelloobay Waxyeeleeyey dhallinyaro Soomaaliyeed oo u soo istaagay difaaca dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Isbitaalka ku booqday dhallinyaro ku dhaawacantay qarax argagixsadu la beegsadeen xerada tababarka ciidanka ee Gen.Dhegabadan.

Ra’isul Wasaaraha ayaa Tegay isbitaalka Madiina ee Muqdisho oo dhaawacyadii ugu badnaa La dhigay, waxuuna Mid mid ugu Booqday Sariirtii ay jiifeen.

Wasiirka Kowaad ee dalka ayaa u rajeeyay dhalinyaradaas in Alle uu Bogsiiyo, Dowladda Soomaaliyana ay ku dadaali doonto sidii Loo caawin lahaa.

Shalay Aroortii ayaa Qarax lala Eegtay Dhalinyaro doonayay inay iska diiwaan Galiyaan Ku biirista Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya

https://youtu.be/ULbTqseAIc8

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.