Home Afsomali Full VIDEO Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyey Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Full VIDEO Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddoomiyey Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Safarkii aan sugeynayow Sacabo furan ku soo dhawow Cali Guudlaawe Xusein

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo looga arrinsanayo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.