Home Afsomali Full VIDEO Rooble iyo wafdigiisa qaabkii dhuusamareyd loogu soo dhaweeyey

Full VIDEO Rooble iyo wafdigiisa qaabkii dhuusamareyd loogu soo dhaweeyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Galabta waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan oo ka kala yimid xafadaha Dhuusamareeb.
Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Galmudug, isaga oo booqan doona Xarunta loogu talo galay in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Magaalada Dhuusamareeb.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa markii uu soo geba-gabeeyo safarkiisa degaannada Galmudug waxaa uu u gudbi doonaa degaannada Dowlad Goboleedka Puntland.
https://youtu.be/fWMof4ozfbs
https://youtu.be/OdvXggZFlnw
Previous articleUK must be ready for war with Russia, says armed forces chief Nick Carter says Russia has become bigger threat in eastern Europe, but he doesn’t think it wants ‘hot war’
Next articleSaraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Xaafado ka tirsan Muqdisho iyaga oo iska jiifjiifa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.