Home Afsomali Full VIDEO Rooble oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca...

Full VIDEO Rooble oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo  dowladda Ireland uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi.

Wasiirka arrimaha Dibedda Ahna Wasiirka Difaaca Ireland Simon Coveney oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.