Home Afsomali Full VIDEO RW Khayre oo shacabka Soomaalida ugu baaqay iney ka fogaadaan...

Full VIDEO RW Khayre oo shacabka Soomaalida ugu baaqay iney ka fogaadaan arimo badan oo ay ka mid yihiin …..

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo salaadda ciidda kadib shacabka Soomaaliyeed kula hadlay Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay in ay ka fogaadaan qabyaaladda, musuqa, nin jaclaysiga, danta gaarka ah iyo shisheeye kalkaalnimada.

“Waa in aan ka waantowno wixii hore oo aan ogaanno in dhallinyaradaani ay mustaqbal naga doonayaan, dhissidda mustaqbalkaasna laga doonayo cid waliba oo dalka xil u haysa. Qof waliba waa in uu ogado in mas’uuliydda uu Allah kula xisaabtamayo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku aamineen xilka uu hayo”, ayuu Ra’iisul wasaaruhu ku sheegay khudbadiisa.

“Waa in aan dhissanno dal aan kulligeen ku wada noolaan karno, si aan u dhisnana waa in aan iska qaadno isbaarooyinka”, ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegey in ay muhiim tahay in qof waliba oo Soomaaliyeed waajibka saaran gudashadiisa uu ka rumeeyo oo isla xisaabtanka uu naftiisa ka billaabo, waxa uuna Allaah ka rajeeyay maanta in ay noqoto maalintii dadka Soomaaliyeed oo dhan ay garteen in ay si wadajir ah uga soo baxaan waajibaadka ka saaran dhismaha qarannimada iyo ilaalinta ammaanada.

Dhanka kale

Muqdisho, August 21, 2018 — Ra’iisul wasaaraha xumuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa la ciiday qaar kamid ah bulshada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tegay goobo ay bulshada ku kulanto oo ku yaalla xaafadaha ku xeeran waddooyinka Sodonka iyo Wadnaha.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo xog-wareysi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageystay talooyinkooda, isla markaasna u sharraxay qorshyaasha dowladda ee dib u soo noolaynta kaabayaasha aasaasiga u ah dowladnimada.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha ayaa ahaa in uu si dhow ula socdo tabashooyinka shacabka, si loogu saleeyo wax-qabadka hay’adaha dowladda laguna dabbaqo nidaamka isla xisaabtanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.