Home Afsomali Full VIDEO Safaaradda Jabuuti Oo Hambalyo Ku Aaddan Kowda Luulyo u Dirtay...

Full VIDEO Safaaradda Jabuuti Oo Hambalyo Ku Aaddan Kowda Luulyo u Dirtay Soomaaliya.

https://youtu.be/-G_hh0_on1A

Iyadoo ay ku beegantahay Kowada bisha Luulyo oo ah maalin qiimo ku leh Shacabka Soomaliyed isla markaana ay xorriyadda qaateen Gobollada Koonfureed ayaa waxaa Hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaliyed Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Danjire Aadan Xasan Aadan.

Qoraal lagu daabacay bogga Safaaradda Jabuuti ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu yiri” Waxaa Sharaf ii ah in aan walaalaha Soomaaliyed, shacab iyo xukuumad ba ugu hambalyeeyo xuska maalinka xorriyadda 01 July iyo 60 guurada ka soo wareegatay. Soomaaliya waa dal aan walaalo nahay, oon wadaagno dhiig, dhaqan, iyo dhursugid. Waxan u rejaynayaa Nabad, horumar, iyo xasilloni waata” ayaa lagu yiri qoraalka lagu baahiyay bogga Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho.

Sanaddii 1960 kowdii bishan oo kale ayay xorriyaddooda heleen Gobollada Koonfureed oo Talyaanigu haystay, hadda waxaa ka so wareegtay 60 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.