https://youtu.be/3CLpPJODjRM
Dil toogasho lagu fuliyey Nin is hubo in la tooganayo oo aan wax cabsi ah laga daremeyn
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho qisaas ah ku fulisay Xidigle Cabdi Naasir Daa’uud Sheikh Hassan oo hore u dilay Taliye Ururkiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye 29 Bishii la soo dhaaftay ee September ee Sanadkan 2022.
Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa horay ugu eedeysay xidigle Cabdinaasir in uu ka baaqsaday safar dhinaca dhulka ah oo ay geli lahaayeen Ciidamada uu katirsanaa, balse isaga uu ku doodayay in xaquuqdiisii mushaarka uu waayay.
Dood dheer kadib Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dhawaan xukun dil toogasho ah ku riday, ugu dambeena lagu fuliyay, iyada oo leysku dhinac aasay isaga iyo taliyihii uu horey u dilay
Sida uu warbaahinta u sheegay Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha maxkada ciidamada qalabka sida maxamed Cabdulaahi Khaliif
Ehelada marxuumka horey uu u dilay iyo ciidankii ay ka wada tirsanaayeen qaarkood ayaa dilka qisaasta ah ka dib ka hadlay dareenkooda iyo sida ay u arkaan qaabka qisaasta loo fuliyey
Waa markii ugu horeysay ee dil toogashoa h ay fuliso dowlada fadaraalka tan iyo wixii ka danbeeyey doorashii madaxweyne S .