Home Afsomali Full VIDEO Qodobadii laga Soo saarey Shirka Xubnaha midowga musharaxiinta haweenka xildhibaanada...

Full VIDEO Qodobadii laga Soo saarey Shirka Xubnaha midowga musharaxiinta haweenka xildhibaanada cusub 2021

Shir deg deg ah oo ay iskuugu yimaadeen Xubnaha midowga musharaxiinta haween xildhibaanada cusub ee 2021 ayaa ku qabsoomay magaalada Muqdisho

Waxayna ka kala socdeen 5ta maamul goboleyd iyo gobolka banaadir iyadoo ujeedka shirku ahaa xaqiijinta qoondada haweenka iyo Arimo kale .

Waxaana ka soo qeybgalay xubno ka socday gudiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu dhawaan rooble Magacaabay

Shirka intii uu socday waxaa diirada lagu saaray si aad ahna looga hadlay qoondada haweenka sidii lagu heli lahaa  Ilaa boqolkiiba sodon

qaar ka mid ah midowga musharaxiinta ayaa madasha hadalo ka soo jeediyey baaqyo talooyin iyo codsiyo kala duwan

Shirka ayaa madaxda maamulada iyo raiisal wasaaraha looga codsaday in tixgalin.la siiyo gabdha musharaxiinta ah

Sidoo kale Shirka madashay qaran ayey ugu baaqeen in ay haweenku helaan boqolkiiba sodon ugu yaraan  Waxayna ku dhiiri galiyeen Raiisalwasaaraha iyo madaxda dowlad Goboleyada in la xaqiiyo qoondada haweenka

Caasha baaraxood iyo gabdho kale oo musharaxiin ah ayaa dooda  sidaan uga qeybqaatay

Seynab Cali Xasan ayaa xustay in ay musharaxiinta kuraasta haweenka ay wax ka dhiman yihiin iyada oo amaanta qoondada haweenka ee kuraasta maamulka jubaland waxayna u rajeysay in maamulada kalane ay sidaas oo kale kuraasta haweenka buuxon doonaan

Gudoomiyaha midowga musharaxiinta Nasro axmed Cali nuur ayaa si qoto dheer uga hadashay qoondada haweenka xaq iyo xaquuq gabdhaha  5ta maamul goboleyd si simay looga helo   xaquuqdhameystiran.

Afhayeen caasha geesdiir ayaa gabagabadii warbaahinta u aqriisay Qodobada warmurtiyeedka  shairkaQodobaada  looga soo saarey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.