Home Afsomali Full VIDEO Sidee loo Soo Qabtay Qaadkii dowladu Gubtay

Full VIDEO Sidee loo Soo Qabtay Qaadkii dowladu Gubtay

dowlada oo goob fagaare ah ku gubtay qaad hareeri ah

??

Ciidamada xooga dalka gaar ahaan qeybta 27aad ayaa dekadda Ceel Macaan  ee gobolka Shabelleeda Dhaxe ku ku qabtay doon sida qaad la sheegay in laga keenay dalak Itoobiya.

??
??

Waxaana ciidamo uu wato G/sare Saney cabdulle Gacal taliyaha Guutada 4aad ee Ciidamada Xooga dalka oo mudo ku raad joogay u suurta gashay in ay soo qabtaan dooni siday 9 jawaan oo jaadka hareeriga ah

??
??
??

Doonta siday qaadka ayaa soomartay xeebta Cadale, waxaana markii ay ku guul dareysatay in cadale ay ku dajiso qaadkii ay waday, waxaa ayna soo aaday dhanka xeebta Ceel Macaan halkaas oo si xirfadeysan loogu qabtay .

Taliyaha Qeybta 27aad ee ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Axmed  Maxamed Calasow Tareedisho  ayaa sheegay, in qaadka la doonayo in qaab sharci darro ah lagu soo geliyo magaalada Muqdisho.

??
??
??

Taliyaha ayaa waxa uu shegay in qaadkan, ay qabteen ay ku wareejiyeen Ciidamada booliska Soomaaliya, taas oo ay ku amreen madaxda dawlada.

??
??
??

Taliyaha laanta dhexe ee  ilaalinta canshuuraha Cabdullaahi Xasan Bariise oo goobta ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in uu digniin u dirayo ganasatada Soomaaliyeed, taas oo ah in aysan hantidooda iska gelin qaadka, isla markaasina waxa uu sheegay in Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay mar walba la dagaalami doonaan cid kasta oo damacda in ay dalka qaad soo geliyaan.

??
??
??
??

Maxkamda Gobolka Banaadir ayaa xakuntay in jaadka la gubo waxaana Axmed Cabdulaahi Mxamamuud oo ku hadlayey Magaca xeerilintu soo bandhigay qodobo iyo sharciyo baneynaya gubida qaadka la qabtay

??
??
??

Ugu danbeyntiina garsoore Asad Cabdi Guleyd ayaa ku dhawaaqay in la gubo qaadka isla markaana dowladu la wareegtay doontii siday ee lagu qabtay taasi oo goob fagaare ah ka dhacay oo qaadkii dab lagu qabadsiiyey

??
??
??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.