Home Afsomali Full VIDEO ururada bulshada iyo aqoon yahanada Somaliyeed

Full VIDEO ururada bulshada iyo aqoon yahanada Somaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay shirka Wadatashiga taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka oo uu la yeeshay bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa socodsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka.

Ugu horrayn, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey halka ay marayso doorashada baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in laga guuleystay dhamaystirka aqalka sare ee baarlamanka, isla markaana la bilaabay doorashada aqalka hoose. Mudane Rooble ayaa xusay in ay jiraan caqabado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxayaan guddiyada doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladnimadu tahay meerto iyo qori isu dhiib, isagoo tilmaamay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeeg-bixinta.

Ra’iisul Wasaare ayaa bogaadiyey kaalinta bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed kaga jiraan dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo taabbagelinta nidaam dowladeed oo u adeegaya danaha ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

Previous articleSomalia iyo shiinaha dadka oo kala saxiixday heshiis cusub
Next articleMadaxweyne Musaveni: “Qaraxyadii Kambala waxaa laga soo abaabulay Somalia”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.