Home Afsomali Full VIDEO waalidiinta Askarta Ciidamada Qalabka sida oo loogu baaqay in ciidmada...

Full VIDEO waalidiinta Askarta Ciidamada Qalabka sida oo loogu baaqay in ciidmada kala soo baxaan maadaama aan waxba loo qabaneyn hadii dhib ku dhaco

Ehelada sarkaal ciidanka badda ka tirsanaa oo Muqdisho ay ku dileen  ciidamada katirsan  Dowlada somalia ayaa  codsaday in cadaalada la horgeeyo cidii dilkiisa ka danbeysa wexeyna sheegeen  in aanay aasi dooni

Ehelada oo ay ku jiraan aabaha hooyada walaalo iyo xaaski oo murugeysan ayaa cabasho xoogan ka muujiyey dilka wiilkoodii 2aad Marxuum labo xidigle Axmed Xusein Nuur

ayaa waxay shir jaraid ku qabatay ispitalka uu yaal meydka marxuumka oo ay sheegeen in sifo sharci daro ah ay u dileen ciidamada dowlada ee sida gaarka ah uu u tababaro mareykanku

waxayna ugu baaqeen madaxweynaha xukuumada iyo laamaha amniga taliyayaasha ciidamada xooga dalka in cadalada la marsiyo cida ka danbeysey dilka sarkaalka

ehelada oo faahfaahinaya qaabka dilku uu u  dhacay iyo waxa ay ka damac san yihiin ayaa sheegay in meydka aan la aasi doonin inta jawaab rasmi ah ay ka bixinayaan masuuliyiinta kala duwan ee dowlada Somaliya waxayna dhanka kale ugu baaqeen waalidiinta Ciidamada Qalabka sida in ay ciidmada kala soo baxaan maadaama aan waxba loo qabaneyn hadii dhib ku dhaco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.