Home Afsomali Full VIDEO Warsaxaafadeed Xildhibaano iyo Masuuliyiin ka soo jeeda Somaliland...

Full VIDEO Warsaxaafadeed Xildhibaano iyo Masuuliyiin ka soo jeeda Somaliland oo Farmaajo ku eedeeyey in uu weli faraha ku jiro Soo Xulista Gudiga Doorashooyinka ( DAAWO SAWIRADA )

Date: 16/06/2021 Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somaliland Political Council) wuxuu walaac xoogan ka muujinayaa

faragelinta qaawan ee Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ku hayo dib-u-habeynta iyo

magacaabista guud ahaan guddiyada doorashooyinka Qaranka, gaar ahaan kuwa u xilsaaran doorashada

kuraasta Somaliland.

Sida ku cad qodobka 2-aad ee heshiiskii ay u dhamaayeen Madasha wadatashiga Qaranka iyo

daneeyayaasha doorashada 2021 ee Magaalada Muqdisho lagu saxeeexay 27 May 2021 waxaa lagu

go’aamiyey in xalinta khilaafaadka guddiga maamulka doorashada Somaliland uu masuul kayahay Ra’iisul

Wasaaraha XFS Mudane Rooble isaga oo ka talo gelinaya Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare

kuxigeenka Mudane Mahdi Guuleed, hase ahaatee waxaa noo caddaatay in Madaxweynuhu si toos ah u soo

farageliyey hawshii Guddigii Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaruhu u xilsaaray in ay kala saaraan xubnaha laga

soo dacwooday, ka dib markii uu Madaxweynuhu:-

  1. Ku amray guddiga Wasiirrada ah in ay dib ugu soo celiyaan liiska Guddiga doorashada Somaliland

xubno shaqaale Dawladeed ah oo ay hore uga saareen oo uu ka mid yahay Khadar Xariir Xuseen oo uu

u rabo Gudoomiyaha gudiga SEIT ee Somaliland.

  1. Madaxweynuhu wuxuu la wareegay oo mid mid ugu yeedhay Wasiirrada iyo qaybo ka mid ah Beelaha

SL oo doonayey in ay iska bedelaan xubnaha la soo dacweeyey ee ka tirsan Ciidamada iyo Shaqaalaha

Dawladda oo uu cadaadis badan ku saarey inaanan waxba laga beddelin, wuxuu la wareegay sadexdii

(3) xubnood ee Gudiga Wasiirradu warbaahinta ka sheegeen in laysku haysto oo ay u gudbiyeen Xafiiska

Ra’iisul Wasaaraha si ay go’aan uga gaadhaan 3da masuul ee u xilsaaran arrimaha Guddiyadda

Somaliland.

  1. Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday wuxuu dadaal weyn ugu jiraa in uu gacantiisa kusoo qorto

5tii xubnood ee ahayd in xukuumadu kusoo biiriso guddiyada doorashada ee SEIT, FEIT iyo

Khilaafaadka, ka dib markii ay ka tashadaan oo go’aan ka gaadhaan Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiye

Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenku.

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland wuxuu u taaganyahay in bulshada iyo musharaxiinta ku tartamaya 57 kursi

ee ay leeyihiin Gobolada Waqooyi u madax-banaanaadaan doorashada Xildhibaanadooda. Runtii waa wax

laga xumaado oo aan ku jirin dhaqanka Soomaaliyeed iyo kan siyaasadda in beelo dhan oo siyaasiyiin iyo

dhaqanba wada socda loo diido in ay talo ku yeeshaan masiirkooda doorasho oo ay kusoo magacaaban

karaan xubintii ay ku lahaayeen gudiyada doorashada. Dadka oo loo adeegsado awoodda dawladda oo lagu

dulmo waxay meesha ka bixinaysaa aaminaadii lagu qabay Dawladda, waxayna keenaysaa kalsooni darro,

isnac iyo colaad.

Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Rooble oo annaga iyo ummadda Soomaaliyeedba

kalsooni buuxda siiyeen, waxaanu ugu baaqaynaa in uu joojiya faragelinta taban ee Madaxweynaha mudo

xileedkiisa dhamaaday ku hayo dib u habeynta iyo magacaabista xubnaha ka mid noqonaya Gudiyada

Doorashada ee Somaliland iyo in uu dedejiyo kulankii saddex geesoodka ahaa si go’aan looga gaadho

habraacyada iyo habsami u socodka arimaha quseeya doorashada kuraasta Somaliland, lana soo saarin

liiska magacaabista guddiga Somaliland iyadoo aan laysku afgaran.

Dhamaad

Previous articleBiden-Putin summit live updates: ‘I’m always ready,’ Biden says
Next articleKulan Lagu Soo Bandhigayey Natiijada Cilmi-baaris (DAAWO SAWIRADA)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.