Home Afsomali Full VIDEO Warshadda Hayle Barise Technical Development Centre ka baro farsamada Gacanta

Full VIDEO Warshadda Hayle Barise Technical Development Centre ka baro farsamada Gacanta

Burburkii dalka ka dhacay waxaa hoos u dhac weyn ku yimid xarumihii waxrashada gacanta oo ay ka soo bixi jireen Enjineero

ku taqasusay dhismaha guud makaanigiintii iyo korontada .

Hadaba si aan waxbadan uga ogaano bulshadana ula wadaagno ayaan tagnay Xaruunta Hayle Barise Technical Development Centre oo ku taalaa Degmadda Yaqshiid, Wadada Balad ee Mogadishu.

Isla markaana  lagu barto  Farsamadda Guud ee Birta (General Mechanic).Dhismaha (Building and Construction)  korontada iyo solar seystemka .

waxayna xaruun bixisaa  tababara farsamada iyo xirfadaha kala  duwan ee ku shaqeynta gacanta.

Ustaad Cabdala Cali Maxamed ayaa ka hadlay qeybaha kala duwan ee farsamada gacanta qaabka ay ardayda u baraan iyo sharuudaha looga baahan yahay ardayga cusub ee ay qaadanayaan iyo waxbarashiisa ka dib .

 

Cabdirisaaq Maxamed Xusein Yamani waa arday waxbarashadiisu ay haatan gabagabo mareyso isaga oo bartay cilmiga soolarka ku shaqeeyo ileyska cadceeda iyo korontada caadiga ah .

Mustafe Cabdulaahi Cusmaan waa arday isna barta qorida Biraha loo adeegsado  toornada isaga oo xusay in dhamaan biraha la waayo isagu uu soo saari karo Noodkastaba ha ahaatee wuxuu ka  sheekeeyo bilowgi waxbarashadiisa iyo haatan xirfadlaha uu noqday .

 

Ismaaciil Macalin Muuse  oo ku hadlayey magaca maamulka ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey sida ay u socoto barashada farsamada gacanta ee Hayle Barise Technical Development Centre iyo xirfadlaayasha ay soo saaraan meelaha ay ka howlgalaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.