Home Afsomali Full VIDEO Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada

Full VIDEO Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo beenisay warar lagu faafiyey Baraha bulshada

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada caafimaadka Soomaaliya Xildhibaan Wasiir ku xigeen Maxamed Saciid Cabdulaahi wareysi gaar ah siiyey TV star xafiiska Maxagaalada Muqdisho ayaa beeniyey warar si weyn loogu faafiyey baraha bulshada oo tilmaamaya in qof kale oo Soomaali ah laga helay cudurka Covid-19.

Maxamed Saciid Cabdullaahi oo la hadlayey oo la hadlayey somalisan.com

Wasiir ku-xigeenka ayaa ka codsaday shacabka iyo warbaahinta iney iska ilaaliyaan baahinta wararka mala awaalka ah ee la xiriira dad uu haleelay Coronavirus, ayna mar walba ka war sugaan Wasaarada Caafimaadka oo u xilsaaran xaqiijinta dadka laga shakiyo iyo dhamaan arrimaha la xiriira cudurkan.

Baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ayaa waxaa saaka lagu baahiyey warar been abuur ah oo ah sheegaya in qof iska shakiyey oo tegay isbitaalka Digfeer laga helay cudurka COVID-19. ka dib markii la baaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.