Wasiirka Wasaaradda Warfaafin, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, oo Shir jaraa’id ku qabtay gudaha teendhadii Afar sano ka hor lagu doortay laguna caleemo saaray madaxweynaha xilkiisii dhamaaya eeMaxamed cadulaahi farmaajo ayaa ka warbixiyey kulankii furitaanka u ahaa Shirka Qaran ee dhammeystirka arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda oo saaka si hor dhac ah uga ka furmay xarunta Afisiyooni.
Wasiir Dubbe, ayaa sheegay in dhamman xubnihii lagu casuumay shirka ay ka soo qeyb galeen marka laga reebo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, diyaarna ay u ahaayeen dhameystirka heshiisyaddii 17-kii Sabteembar iyo 16-kii Febraayo ee guddigii Farsamadu ay soo diyaariyeen.
Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa tilmaamay in shirku uu ku furmay horudhac iyo bar-bilaw wanaagsan,