Home Afsomali Full VIDEO Xaalada Caafimaad ee bukaanada ku jira Habeeb Mental Hospital

Full VIDEO Xaalada Caafimaad ee bukaanada ku jira Habeeb Mental Hospital

Ardaydii hore ee ka baxday jaamacadii geheyre oo haatan la baxday  midowga ardaydii jaamacada gaheyr ayaa  kaalmo gaarsiisay Ispitaalada lagu daweeyo dadka dhimisrka la.qebta dagmada waaberi ee  uu maamulaha ka ayahay Dhaqtar Cabdiraxmaan Cali Cawale Dhaqrtar Xabeed .

Deeqdaan ayaa waxaa loo wakiishay in ay gudoonsiiso maamulka isbitaalada uu maamulo DrCabdiraxmaan Cali Cawaale DR Xabeed Agaasimaha arimaha bulshada Maryan adan Amiin ee xafiiska raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre waxayna soo kormeertay Gudoonsiinta ka dib xaalada dhibanayasha ku jira ispitalka xabeeb iyada oo la sheekeysatay qaar ka mid ah bulkaanada si ay u hubiso xaaladooda dhaqaale caafimaad iyo daryeel

Cabdiraxmaan Cali Cawale Dr Xabeed oo munaasibada wareejinta kalamada ka hadlay ayaa tilmamay sida uu ugu faraxsan yahay in ardaydii hore ee ka baxday jaamacada gaheyr ay u soo xasuusten walaalahooda ku dhibaateysan ispitaalada dalka

 

Mahadcelin ka dib ayuu Wuxuuna ka sheekeeyey qaabkii ay iskula xiriireen ugana tashadeen aayaha iyo mustaqbalka dhibanayaasha la il daran xanuuada kala duwan ee ku sugan guud ahaan dalka gaar ahaana Magaalada Muqdisho

Dhan kale wuxuu codsi u diray ardaydii ka baxdday goobihii waxbarsho ee dalku lahaan jiray in ay Noqdan kuwa soo xasuusta dadka dalka gudihiisa ku dhibaataysan

Sidoo kale ardaydii hore ee ka baxday dugsigii sheikh Yusuf Alkowneyn ayaa iyana balan qaaday in ay kaalmo sidaan oo kale ah ay gaarsiin doonaan dadka qaba cudurada dhimirka ee xanuunkaasi ka yaal isbitaalada lagu daweeyo ee Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.