Home Afsomali Full VIDEO Sirtii farmaajo kashifay

Full VIDEO Sirtii farmaajo kashifay

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay arimihii keenay in dowlada federaalka Soomaaliya dalka ka ceyriso Ergaygii gaarka ee Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya ee Nicholas Haysom .

Farmaajo ayaa sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya loo soo magacaabay markii uu imaanayay in ay taagneed is fahmi waa u dhaxeeyay Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Danjire Nicholas Haysom u sharaxeen in Soomaaliya dhaxdeeda iyadu heshiiso markii ay wax soo kala dhax galaan, waxa uuna xusay Madaxweynaha in ay u sheegeen Ergyag in aysan ogoleyn in ay cid kale soo faragaliso.

” Ergayga Qaramada Midoobay markii lasoo magacaabay oo noo yimid waxaan u sheegnay in Soomaalida ay dhaxdooda heshiinayaan intay doonto haku qaadatee, waxaan kale u sharaxnay in aysan raali ka aheyn in lasoo faragaliyo, inkastoo Maamul goboleedyadu qabeen in dhinac sadexaad soo galo anaguna mar walbo ku diidaneyn, waayo waxaan ogahay intay rabto ha qaadato hadaan Soomaali nahay xalka anaguu nagu jiraa anagaana heshiineyna cid damaanad noo kala saxiixeysana malahan, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aad uga caroodeen hadal uu magaalada Baydhabo ka jeediyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom , waxa uuna sheegay hadalkaasi in uu ahaa mid sii xoojineysay kala qeybsanaantii jirtay.

”Baydhabo safar mar uu ku tagay waxa uu yiri, Muqdisho Soomaaliya maahan, Soomaaliyana Muqdisho maaha, arintaas arin aan ka caroonay ayey aheyd oon wanaagsaneyn siina xoojineysa kala qeybsanaanta iyo farqiga u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada,, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Haysom kadib markii qoraal adag kasoo saaray dhacdooyinkii Baydhabo intii ay doorashada socotay taa oo ka careesiidsay dowlada federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.