Home Afsomali FURSADAHA IYO CAQABADAHA KU XEERAAN LABADA XUBNOOD EE U TARTAMAYA GUDOOMIYE XIGEENKA...

FURSADAHA IYO CAQABADAHA KU XEERAAN LABADA XUBNOOD EE U TARTAMAYA GUDOOMIYE XIGEENKA 1AAD EE AQALKA SARE BJFS.

FURSADAHA IYO CAQABADAHA KU XEERAAN LABADA XUBNOOD EE U TARTAMAYA GUDOOMIYE XIGEENKA 1AAD EE AQALKA SARE BJFS.

Gundhigga qormadan i waa is-barbar dhigga Labada Senator ee Tartanka ugu adag uu dhexmari doonno ee Sen.Cali Shacbaan iyo Sen.Cabdixakiin Macalin Axmed oo Deegaan Doorashadoodu kala Tahay  Galmudug iyo Hirshabelle labadan Xubnood waa isku Xisaab ama qoondada Hawiye ayay ku tartamayaan  balse mid walba waxaa ku xeeran caqabado iyo fursado ku hor gudban ka dhabeynta Guushiisa iyo mataaladda  Dowlad Gobaleedka uu ka soo jeedo.

 

CAQABADAHA KU HOR –GUDBAN SENATOR CABDIXAKIIN MACALIN AXMED

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed waxa uu wajahayaa eedeymo la xiriira mowqif la’aan Siyaasadeed  oo sababtay in shantii sanno ee uu Dhuusamareeb ku matalayay Aqalka Hoose,

 Dul hogganeysay tusaale waxa uu ka mid ahaa kooxdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed  ku booday ee soo dhistay Farmaajo , balse markii uu iska waayay Liiska Golaha Wasiiradda Waxa uu u diga rogtay  Xisbigii Himilo qaran oo uu ka qabtay xilka Xoghayaha Guud ee Xisbigaas ,   mar kale ayaa goob cidlo ah uu ugu dhaqaaqay kooxdii soo dhaweysay ee Himilo qaran oo waxa uu mar kale ka soo dhex- muuqday Taageerayaashii Xukuumadii kheyre iyo in Fagaare uu ka taageero kooxda Nabad iyo Nolo oo Xiligaas ay ku wada mideysnaayeen  Kheyre iyo Farmaajo , mar kale ayuu ka mid noqoday  kooxdii doonta la gadisay kheyre ee todobada daqiiqo ku macsalaameysay Saaxiibkoodii , balse waxa uu halkiisa ka sii waday garab istaagga Nabad iyo Nolol  ilaa laga soo dhiso Galmudugta uu hoggaaminayay Madaxweyne qoor-qoor .

Sen.Cabdixakiin Macalin Axmed waa suura-gal in uu eersado Siyaasadiisa ku dhisan danta iyo maslaxadiisa gaarka ah uu daadka qaado , oo Sooyaalkiisana uu eedo , walow dadka jecel guushiisa ay kuu suureynayaan in ay jiraan Xubno isaga u tanaasulay oo Galmudug ka tirsanaa oo uu heysto codadka Galmudug , balse su’aasha ayaa ah Codadka Galmudug miyaa ka dhigi kara Gudoomiye Xigeenka 1aad mise codad kale ayuu u baahanyahay , Jawaabta waa waxa uu u baahanyahay Codad kale oo ay adagtahay in uu  hanto ,

FURSADAHA UU HEYSTO SEN.CABDIXAKIIN MACALIN AXMED

Waa kooban yihiin Fursadihiisa oo waa codadka Galmudug oo mideysan  , balse Dowlad Gobaleedyada kala ah Puntland , Jubbaland Waa budo gaar u tuman oo ma dhisi doonaan ruux kale , iskaba daa ruux mar soo taageeray Nabad iyo Nolol Warkiisa e , KGS iyo Somaliland waxay gali doonaan heshiisyo ku dhisan cod kala badalasho iyo in ay iskaashi sameeyaan oo dhankooda ay isu ololeeyaan Maadama ay tartanka ku jiraan  .

 

 

CAQABADAHA KU HOR –GUDBAN  SEN.CABDIXAKIIN MACALIN AXMED

Caqabadda  ugu weyn waa in Siyaasadda uu ku cusub yahay balse waa aqoonyahan suura-gal ay tahay in uu ka dabaasho oo uu kaashado kaadiriinta Hirshabelle iyo Xubnaha kale ee door bidaayo in Golaha uu hoggaamiyo qof aan koox ka tirsaneen  ,  waa shaqsi aan falan-qeyntiisa lagu dheeraan Karin balse leh dabci dad isku wadid oo soo jiidasho leh  , waana suura-gal in si fudud Xilka uu ugu guuleesto   , 

FURSADAHA UU HEYSTO SEN.CALI SHACBAAN

Sen.Cali Shacbaan waa ka Fursad badan yahay Xubinta kale ee la tartameysa sida ay qabaan Falan-qeeyaasha Siyaasadda iyo dadka sida dhaw ula socda Xaaladda kala guur ee Soomaaliya ,  labo qodob ayay fursadihiisa ku soo koobaan

1.kama tirsana Koox gaar ah : waa qodob muhiim ah oo qiimeeyn karo guushiisa , sababtoo ah Golaha Aqalka Sare waxaa Saameen ku leh kooxo is-diidan oo qaarkood 5 sanno dhufeysyo isugujiray , mararka qaarna dagaal siyaasadeed qaraar uu dhex-mari jiray waxaa  intaas dheer Xubnaha ka imaanaya Jubbaland iyo puntland oo aan loo dhaweyn Karin qof mar soo ag-maray Nabad iyo Nolol ama maalin un taageertay , waa fursadda ugu weyn oo uu heysto Sen.Cali Shacban

2.Hirshabelle : Cali Shacbaan waxa uu aqalka Sare ku matalayaa Hirshabelle oo u baahan in tixgalin gaar ah ay hesho si kale hadaan u dhigo , shacabka Gobalka Hiiraan oo  tabasho qabay mudo dheer , waa u xal Doorshada Cali Shacbaan iyo guushiisa , sidaa darted dhammaan Xubnaha raadinaya Deganaasha iyo isku heynta Shacabka Hirshabelle ee uu ku jiro hanka hoggaaminta Soomaaliya ,si indho la’aan ah ayay  cali shacbaan garab istaag ugu muujinayaan si loo helo Xasi-looni iyo matalaad beeshii Tabashada ka qabtay dhismaha hirshabelle.

Si kasta marka la eego doorashadda Gudoonka aqalka Sare oo sanadkan xiiso gaar ah leh , dhammaan Dowlad Gobaleedyada Waxay taageerayaan Musharixiin gaar ah oo deegaanadooda ka soo jeeda waan arinta xiisaha u yeeleysa doorashada gudoonka aqalka Sare ee Soomaaliya 2022.

FG:qormadan waxaa saldhig u ah xog-uruurin  iyo odoroska Sooyaalka Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya  , waadse nagu soo biirin kartaa aragtidaada .

 

W/Q:Xasan kaahiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.