Home Afsomali G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka Badbaaday isku day dil

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka Badbaaday isku day dil

Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta lala eegtay kolonyo uu la socday guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute, kaas oo ka dhacay degmada Kaxmda ee G/ Banaadir.

Qaraxa oo ka dhashay miino la dhigay waddada dhinaceeda ayaa ka dhacay waaxda afaraad ee degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah baabuurta galbineysa guddoomiyaha, inkastoo isagu ka badbaaday qaraxaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana ciidamadu ay baaritaano kooban ka sameeyeen meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saaka mid kale askar ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.