Home Afsomali Gaadiid aan xabaduhu Karin oo la gudoonsiiyey Wasiirka Wasaradda difaaca XFS...

Gaadiid aan xabaduhu Karin oo la gudoonsiiyey Wasiirka Wasaradda difaaca XFS ( DAAWO SAWIRADA )

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka Wasaradda Gaashaandhigga XFS ayaa Galinkii Dambe Ee Maanta guddoomay 6 gaari oo  ah nooca aan Xabadda Karin, Gaadiidkaasi 6da ah ayaa kaalin mug weyn ka qaadan doona Howlgalada ay hor boodeyso Wasaaradda Gaashaandhigga  ee Al Shabaab looga sifeenayo deegaanada fara ku tiriska ah ee ay kaga dhuumaalysaanayaan koofurta iyo bartamaha soomaliya.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Gaadiidkan ugu deeqday Wasaaradda wasaaradda Gaashaandhigga XFS, munaasabad kooban oo Wasiirku kula wareegayo Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga,waxaana goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka.

Masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu deeqday loogu talagay in lagu xoojiyo Wasaaradda gaashaandhigga XFS, si ay ugu adeegsato howlaha muhiimka ah ee Wasaaraddu ku difaaceeso dalka iyo ka sifaynta Al Shabaab Deegaanada fara ku tiriska oo ay kaga suganyihiin dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.