Home Afsomali Gaafow oo la sheegay in sifo aan sharci ahayn ku helay...

Gaafow oo la sheegay in sifo aan sharci ahayn ku helay xildhibaanimada

War Deg Deg ah : Jen Gafoow Oo Xildhibaanimada ku Helay Si aan Sharci Aheyn Lagana Soo Gudbiyey Dacwad Kan Dhan ah Xildhibaanimadiisa

dayniile / ahmed ali / 1 hour ago

Sida aan ku helnay Noqol  cadeenayo in doorashada xildhibanimada gaafoow in ay tahay mid aan ku dhisneyn sharci inkastoo noqolka ay heshay shabakda dayniile kaas oo ah dacwad ka dhan ah kursiga Xildhibaan uu dhawaan ku guuleystay doorashadiiii aqlka hoose ee Barlamaanka federaalka Soomaliya ee ka dhacday shalay magaalada dhuusa-mareeb.

Doorashadaas ayaa lagu tilmaamay mid sharci daro ah  mid ka mid ah odayaga iska lahaa soo xulida ergada dooran laheyd xildhibana gaafoow kaas oo lagu magacaabo Suldaanka Xasan Axmed Sabriye asigoo ah Nabadoonka guud ee beesha Foorculus  oo ka diiwaan gashan gudiga doorashada barlmaanka.

Suldaanka ayaa sheegay in doorashada si sharci daro ah loo maray madaama uu lahaa saxiixa soo xulida ergada wax dooraneysa isagoona sheegay in uu ka mid ahaa 135 oday dhaqameed ee soo xulay xildhibaanada 2012 ilaa 2016

Warqada dacwada aan helnay ayaa loo kala diray dhamaan meelaha ay quseysa isagoo suldaanka uu dhaliilay gudoomiyaha doorashada 2020   Xaliima Yareey isagoo sheegay in ay qabatay doorasha sharci daro ah oo loo marin hanaaka doorashada ee saxda ah wuxuna si toos ah uga dacwoonayaa gudiga sameeyey sharci daradan cad.

Sudaanka oo sheegay in uu sharci ku fadhin doorashada lagu doortay Xildhiban Gafoow taasina ay meesha ka saareyso in la yiraahdo xildhibaan gaafoow wuxuna codsaday in doorashadaas loo maro wadado saxda aheyd.

Suldaan Xasan oo ka tirsana odayaasha 135 soo xulaayey xildhibaanada ayaa ku saxiixan in uu soo xulay 4 xildhibaan ee Oday foorculus waxaana la ogyahay in xilkaan sanadkii hore marki uu ku guuleesanage xildhibaanka hada ka dagay xilka abdulqadir gaafow saxiixisa lahaa suldaanka.

Hase ahaate waxaan La ogeyn siday sharci ku noqon karto dacwada Suldaanka madaama sharciga Soomaliya ka jiraa ay tahay kooxda markaa xukunka heyso ciday taageersantahay walina wax war ah kama soo yeerin cida ay quseyso dacwadaan.

Halkaan  ka aqrisa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.