Qaar kamid ah oday dhaqameedka gobolka Mudug ayaa ka hadlay kacdoon ay shacabku waxqabad ku dalbanayeen oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka socdey Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolkaasi.
Waxgaradka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in shacabka gobolku ay wadaan kacdoon ka dhan ah Puntland, ayse taasi bedelkeeda raadinayeen waxka qabashada baahiyaha kajira gobolka, taasi oo ay balanqaadyo uga samaysay xukuumadda Puntland.
“Mudug waxaa la yiri waa mudaharaaday waa mucaarad waxba kama jiraan middaasi, waxbaan tabanay dowladana wax waa laga tawdaa, waxaannu tabanaynana dowladdayadaan u sheeganaynaye dadka meelahaa gacma gacmaynaya ee leh Mudug waa kacday waxaan leenahay waxba kama jiraan”, Ayuu yiri mid kamid ah odayaasha gobolka Mudug.