Home Afsomali Gaari bal siday oo dab ku qabsaday Magaalaga Muqdisho

Gaari bal siday oo dab ku qabsaday Magaalaga Muqdisho

Waxaa goordhaw gaari bal siday oo ka yimid Gobolka Shablleaha Hoose ku gubtay Isgooska Kuliyada Jaalle Siyaad ee Degmada Dayniile, waxaana daminta dabkaasi gacan weyn ka geestay maamulka Degmada Dayniile.

Gaariga gubtay oo ahaa nuuca xamuulka qaada oo waday bal ayaa la sheegay in uu gubtay kadib markii gaariga ay ka qarxeen labada lug dambe, waxaana darawalka gaariga uu ku waday digsiga taayarka taas oo keentay in uu dab ka dhasho.

Daminta dabka waxaa gacan weyn ka geestay shacabka iyo maamulka Degmada Dayniile kuwaa oo dadaal badan ku bixiyay sidii dabka loo damin lahaa, waxaana ugu dambeyn goobta soo gaaray dabkana damiyay dab damiska maamulka gobolka Banaadir.

Gaariga ku gubtay Isgooska Kuliyada Jaalle Siyaad ayaa sabab u noqday in daqiiqado uu laamiga xayirma ayna adkaato in gaadiidka halkasi maraan, waxaana gaariga gubtay uu wali yaalaa halkii uu ku gubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.