Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar toos ah iyo weliba ismiidaamin lagu qaaday Hotel Medina oo hore loo oran jirey Hotel Cascasey oo ku yaal bartamaha magaalada Kismaayo.
Qarax xoog leh ayaa laga maqlay hotelka waxaan xigey dabley hubeysan oo gudaha u gashay hotelka iyadoo weli laga maqlayo rasaas sida ay soo sheegayaan dad ku sugan magaalada Kismaayo.
Hotelka ayaa waxaa degenaa xildhibaano iyo weliba qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Jubbaland.
La soco wixii warar ah oo faahfaahsan oo la xiriir wararka Kismaayo