Home Afsomali Gaari Walxaha Qarxa Siday oo xalay Muqdisho lagu qabtay

Gaari Walxaha Qarxa Siday oo xalay Muqdisho lagu qabtay

Somalisan.net: Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo Nabad Sugida Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho xalay ku qabtay Gaari Carib ah oo nuuca Qalinka ah kaas oo ay saarnaayeen Walxaha Qarxa, Gaariga ay qabteen ciidanka NISA ayaa lagu qabtay afaafka hore ee iskuulka Xaawo-taako oo ku yaalla meel u dhow Afar Irdoodka Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka NISA ayaa Gaariga ka fur furay Waxyaabihii Qaraxa ka sameysnaa ee saarnaa sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane.

Wuxuu sheegay in Gaarigan xogtiisa la hayay sidoo kalena ay ku daba jireen ciidanka NISA taasina ay keentay in Gaariga gacanta lagu dhigo.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Gaari Walxaha Qarxa ay saarnaayeen lagu weeraray Maqaaxida Banaadir Beach ee ku taalla Xeebta Liido, halkaas oo ay ku dhinteen 9 Ruux halka 3 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.