Home Afsomali Gabar Kalkaaliso aheyd oo saakay lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo...

Gabar Kalkaaliso aheyd oo saakay lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Faah faahin kasoo baxaysa Gabar yar oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa waxaa la sheegay in Maanta xaafada Jungal oo katirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir waxaa ay kudileen Gabar kamid aheyd Gabdhaha xaafadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Gabadho oo Alle ha  u naxariistee lagu Magacaabi jiray Nicmo Cabdraxmaan ayaa kamid aheyd Shaqaalaha Isbitaalka Madiina ee magaalada muqdisho, sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelkeeda

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xilliga la dilayay Nimc ay ku wajahneyd Goobteeda Shqada, waxaana weli la oeyn cidda ka dambeysa dilkeeda iyo sababta loo dilay intaba.

Laamaha Amniga gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin dilka Nimco,waxaana dilkaan uu kamid yahay dilalka ka dhaca Caasimadda Soomaaliya ee magaalada muqdisho, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay siwyen u adkeysay amniga Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.