Home Afsomali GABAR uu abti u yahay Ayatollah Ali Khamenei oo qaaday tallaabo lama...

GABAR uu abti u yahay Ayatollah Ali Khamenei oo qaaday tallaabo lama filaan ah

Gabar uu abti u yahay hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ugu baaqday shucuubka caalamka inay cadaadis ku saaran dawladohooda inay xiriirka u jaraan dalka Iran, taas oo looga jawaabayo habka uu dalkaasi u maareeyey mudaharaadada looga soo horjeedo xukuumadda ka dhisan dalkaas.

Gabadhan oo lagu magcaabo Farideh Moradkhani ayaa muuqaal ay duubtay waxaa internetka ku baahiyey walaalkeed oo ku nool dalka Faransiiska, waxaana muuqaalka la baahiyey ay ku booriyey “in dadka damiirka leh ee dunidu” ay taageeraan dibadbaxyada ka socda dalka Iran.

Muuqaalkan ayaa la faafiyey kadib markii la ogaaday in gabadhan la xiray bishii November 23-keedii, sida ay sheegeen koox dusha kala socota xuquuqda aadanaha ee dalka Iran oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.

Farideh ayaa caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda rayidka, waxaana dhashay gabar la walaal ah hoggaamiyaha sare ee dalka Iran, waxayna noqonaysaa qofkii ugu dhowaa hoggaamiyaha sare ee dalka Iran ee xabsiga la dhigo. Gabadhan ayaa marar kala duwan waxaa loo xiray hawlaha u dhaqdhaaqa arrimaha bulshada ee ay ku lug leedahay.

“Waxaan ka codsanayaa dadka damiirka leh ee dunidu inay na garab istaagaan oo ay dawladohooda ka codsadaan inay aanay falcelintoodu noqon oo keliya hadallo madhan, hase ahaatee ay la yimaadaan ficilo dhab ah oo ay ku hor istaagayaan maamulkan,” ayay ku tiri muuqaalka la baahiyey.

Mudaharaadada ka socda dalka Iran ayaa haatan lugaha la galay bishii saddexaad, waxaana ay ciidamada dalka Iran ay isticmaalayaan awood xad dhaaf ah si ay u xakameeyaan. Ugu yaraan 451 ayaa illaa haatan la dilay, oo ay ku jiraan 63 caruur ahi, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA, halka xabsiga la dhigay illaa 18,173 qof.

Mudaaharaadyada ayaa ka dhashay dilka Mahsa Amini oo aheyd gabar loo xiray inay xiran weysay xijaabka kadibna ku geeriyootay gacanta booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.