Home Afsomali Gabaygii Guuguule: ee Ismaaciil Mire

Gabaygii Guuguule: ee Ismaaciil Mire

Guuguulayahaw haddaad, gugii u ooyayso,
haddaad moodday keligaa inuu gubayo jiilaalku,
Oo aad gamoorahakan maran gama’ la’aan diiday

Ayna gocosho awgeed ilmadu, kaaga gobo’laysay
Guumays cirroobaan ahaye war an ku gaarsiiyo
Gartaa maaha keligaa inaad, gaar u cabataaye

Giddigood addoomaha waxaa gaaray nabar weyne
Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo, gaatamoo kale e
Geelii adduunka u adkaa, gobollo waydowye

Golihii ka kici waa raggi,i gaydho hayn jiraye,
Tuuladay ilgabadlaynayaan, gobol barbaartiiye
Ninkii timirta goob dhigi lahaa, jiingaduu geline

Ninna uma garaabeen haddaan, gaadhka laga hayne
Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye
Gumburigii bar baa joogsadiyo, goroyo cawshiiye

Saryankii garbaha weyn lahaa, geed ka kici waaye
Wuxuu gooni daaqii habsaday, gubaddadii Hawde
Garanuugti iyo deeradi,i gaag yar baa haraye

Gobay iyo askari geyfan baa, goodirkii jaraye
Guuyadiyo jiiskii hadday, kala gol waayeene
Kama guuxo aar goonlihi,i geliga toomoode

Shabeelkii gabraar lagu idlee, giiro layn jiraye
Oo gododka kama soo ciyaan, gabannadiisiiye
Hargihiisa nimankii gataa, guuldarraw sidaye

Gaadiidkii la dhaansanahayiyo, giindhaygii maraye
Ahmigii la gawrici jiriyo, gaabay adhigiiye
Goggii subagga laga buuxin jirey, hataan gorofaadye

Basaas bay timihii uga go’een, gaaridii dumare
Galowgiiiyo fiintii naf bay, giida la hayaane
Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad, galayax mooddaaye.

Garaad Faaraxiyo Maxamuud Garaad, ma leh gammaankiiye
Cood kama gurxamo dooxadii, garada fiicnayde,
Garoowe iyo Bookh bay, harraad qaar u go’ayaane

Gaajiyo rafaad bay qabaan, garow la’aaneede
Ayaxii geyiga joogi jirey, guuto lagu saarye
Gubniyaa hareeraha ka maray, gaariyaal wada e,

Geedaha sun baa loogu daray, geerinaw badaye
Wax ma galabsanine maalin baa, loo guddoonsadaye
Adigaaba lagu gaadayaa, gooshkan dabadadeede

Guuxiyo cabaadkiyo haddaad, gooha damin waydo
Quruumahakan wada geyfan baa, baalka kaa guriye
Gaagaabso oo aamus yaan, gaadh lagaa qabane!!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.