Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Galmudug, & Koofur Galbeed ayaa diidmo kala hor tagay jadwalka uu soosaaray Guddiga federaalka ee FEIT.
Guddiyadaan labada Dowlad-Goboleed ee soo gabagabeeyay doorashada Xildhibaannada loo qoondeeyay ayaa ku dooday in jadwalka uu soosaaray FEIT lagu jaangoyn karo marka uu kulan yeesho Golaha Wadatashiga Qaranka sida ay hadalka u dhigeen.
SEIT Galmudug & Koofur Galbeed oo qabtay Doorashada kuraas uu hakiyay Guddiga heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban qaabilsan ayaa ku dooday in iyada oo la raacayo nidaamka federaalka Dalka uu qaatay wadajir loo go’aaminayo jadwalka.
Labadaan guddi Doorasho ayaa ka digay in caqabad horleh lagu beero Doorashada Soomaaliya oo heer Gabagabo ah taasi oo ka dhalan karta go’aan aan wadajir loo qaadan uu ku dhaqaaqo Guddiga FEIT Sida qoraalka loo dhigay.
“Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka. Hadaba, Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka SEIT Galmudug kasoo baxay.
Dhanka Koofur Galbeed qoraal kasoo baxay ayaa lagu yiri: “Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017”.
Go’aamada kasoo baxa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Federaal iyo diidmada guddiga heer Dowlad-Goboleed ayaa muddooyinkii dambe taagnaa, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in uu war kasoo saaro Doorashada Dalka.