Home Afsomali Galmudug Masuuliyiin Munaasibad ka qeybgalayey oo ku sumoobay Raashin lagu casuumay

Galmudug Masuuliyiin Munaasibad ka qeybgalayey oo ku sumoobay Raashin lagu casuumay

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in illaa 18 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah la dhigay isbitaalka koofureed ee magaaladaas, kaddib markii ay cuneen raashin sumeysan.

Sida ay sheegayaan wararka dadkan ayaa waxaa ku jira Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug iyo Kuxigeenka duqa magaalada Gaalkacyo iyo dhalinyarada deegaanka caanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiintan iyo dhalinyarada ay raashinka sumeysan ku cuneen deegaan lagu magacaabo Daara Salaam oo illaa 15KM u jira Gaalkacyo, isla markaana kaga qeyb galayay munaasabad magaca looga bedelayay deegaankan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in dadka xaaladooda wax laga qaban la’yahay ay u qaadayaan Isbitaalada Muqdisho.

Illaa iyo hada lama soo sheegin wax dhimasho ah, hase ahaatee 12 ka mid ah dadka la dhigay Isbitaalka Koofureed ee Gaalkacyo ayaa xaaladooda la sheegay inay tahay mid aad u liidato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.