Home Afsomali Galmudug Musharax lagu xamanayey in ay dowladu wadato oo iscasilay

Galmudug Musharax lagu xamanayey in ay dowladu wadato oo iscasilay

Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumada Soomaaya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xilka iska Casilay.

Qoor-Qoor oo shir jaraaid ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu yahay Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxwaynaha Galmudug sidaas awgeedna uu isku casilay.

Musharaxan ayaa ka mid ah shaqsiyaad la sheegay iney dowladda dhexe gadaal ka riixeyso si ugu soo baxaan xilalka ugu sareeya maamulka Galmudug, waxaana si weyn loo soo saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono xilka Madaxweynaha Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la ciirciireysa Musharaxiin xildhibaano iyo siyaasiyiin kala duwan, iyadoo la filayo in halkaas ay ka dhacaan dhowaan doorashooyinka madaxda saree e Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.