Saacadihii la soo dhaafay waxaa dagaal xoogan oo geystay khasaaro dhimaho & dhaawac ah uu ka dhacay duleedka Koonfureed ee degaanka laba-gale oo deganka Dhabad kaga beegan dhanka Koonfureed, waxaana dagaalkaas ka hadlay Maamulka Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ( Waayeel) ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaalka labada maleeshiyo Beeleed, halka uu Caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
Wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamay degaannada u dhow degmada Dhabbad ee Gobolka Galgaduud inay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, Isla markaana wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.
laamaha Amniga dowlad Gobeedka Galmuug ayuu ku amray inay si deg deg ah u kala dhexgalaan maleeshiyaadka dagaalamay, Isla markaana aan la aqbali doonin dagaalada soo laab laabta.
Degaannada Galmudug ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay colaad beeleedyada, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay duleedka degaanka dhabbad ku geeriyooday ku dhawaad 15 Ruux halka 30 kale ay ku dhaawacmeen.