Home Afsomali Galmudug oo diyaarisay Ciidamo sugaya Amniga degaannada laga saaray Al-Shabaab

Galmudug oo diyaarisay Ciidamo sugaya Amniga degaannada laga saaray Al-Shabaab

Wasiir dowlaha wasaaradda amniga gudaha Galmudug Cabdullaahi Axmed Calasoow ‘Shiine’ ayaa maanta Dugsiga tababarka degmada Cadaado ee gobolka Galguduud tababar ugu soo xiray ciidamo gaaraya 200 askari, kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska Galmudug.

Ciidamadan oo ah dufcaddii 1-aad, qeybtooda 2-aad ee Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa qaatay tababar sare, kaas oo u socday muddo  Saddex bil ah.

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa agaasimayaasha Wasaaradda Amniga, Guddoomiye ku xigeenka degmada Cadaado, Taliyaha Tababarrada iyo Qorsheynta Booliska Galmudug iyo Taliyaha Dugsiga Tababarrada Booliska degmada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.