Home Afsomali Galmudug oo ka hadashay Afduub loo geestay shaqaale ka tirsan Wasaarada arrimaha...

Galmudug oo ka hadashay Afduub loo geestay shaqaale ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha

Maamulka Galmudug ayaa war kasoo saartay shaqaalle ka tirsanaa  Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo lagu afduubtay magaalada Caabudwaaq.

Shaqaallaha la afduubtay waxaa ka mid ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha iyo shaqaalle la socday, waxaa afduubtay ciidamo beeleed ka carooday habka loo qeybsaday golaha deegaanka Caabudwaaq.

War kasoo baxay Galmudug ayaa siddaan u qornaa.

Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022.

Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka.

Dowlada Waxay u mahadcelinaynaa Suldan Ahmed Garbacune iyo Odayashii uu hogaaminayay ee ku gulaystay in ay so dayaan Shaqalihii shalay la afduubay.

Dowlada Galmudug waxay muhiimada kowaad sinaysa Dhismaha Dowladaha hoose ayado sanadkaan anu ku jirno ay dhismen ila iyo shan dagmo

Ugu danbeyn Dowlada Galmudug Waxaay faraysa hay’adaha Amniga in Amniga Dagmada caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.