Home Afsomali Galmudug oo ku dhawaaqday in la bilaabi doono howlgallada ka dhanka ah...

Galmudug oo ku dhawaaqday in la bilaabi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa booqasho dhirigalin ah ugu tagay Ciidamada Xogga Iyo kuwa Galmudug ee Howlgalada ka wada degaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada huwanta ah uga mahadceliyay sida ay har iyo habeen  qorax iyo dhaxan ugu tagan yihiin  si ay nabad ugu seexdan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sido kale Ciidamada ku wargaliyay in Madaxda Qaranka iyo Madaxda Galmudug isla garteen in laga bilaabo  bishaan Janaayo la labo jibaaro howlgaladii Galmudug ka socday sida daraadeedna loo baahan yahay in ay u diyaar garobaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa hambaliyo u diray Ciidamadii dhawaan Xoreeyay deeganada kala ah Gallibaax iyo Masagawa ee Gobolka Galgaduud kuwaas oo hada ku si wajahan Galcad iyo Ceeldheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.