Home Afsomali Galmudug oo sheegtay in Saddex Kooxood ay dhibaato ku yihiin Amniga Gobolka...

Galmudug oo sheegtay in Saddex Kooxood ay dhibaato ku yihiin Amniga Gobolka Mudug

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed shire Bukhaari ayaa sheegay in amniga guud ee gobolka Mudug ay duulaan ku yihiin Saddex kooxood oo isbaheystay, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin amniga gobolka.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhibaatada amni darro ee kajira  Gobolka mudug ay sabab u yihiin Ururka Al-Shabaab iyo kuwo dano gaar ah leh, kuwaas oo uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed shire Bukhaari ayaa ugu baaqay Bulshada Gobolka Mudug inay ka qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.