Home Afsomali Galmudug oo soo qabatay macallin dugsi qur’aan oo ku eedeysan kufsiga saddex...

Galmudug oo soo qabatay macallin dugsi qur’aan oo ku eedeysan kufsiga saddex gabdhood oo carruur ah

Ciidamada Booliiska ee Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay Shuceyb Cabdi Maxamed oo 27 jir ah oo ah macallin dugsi qur’aan, kaasoo lagusoo oogay inuu kufsaday 3 gabdhood oo da’doodu kala tahay 9 iyo 7 sano jir.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Sakiye Xuseen ayaa warkaan ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka, iyadoo sheegtay inay shacabku ka qeyb qaateen soo qabashada eedeysanaha.

“Iyadoo la kaashanayo shacabka Soomaaliyeed Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay ka dhabayn karaan ballanqaadkooda ku aaddan ilaalinta nolosha iyo ilaalinta sharciga,” ayay tiri Gen. Sakiye Xuseen.

Dhacdadan kufsiga ah ee lagu eedeeyay macallin dugsi qur’aanka ka dhigayay magaalada Dhuusomareeb, ayaa dad badan aad uga argagaxeen, waxaana dhacdadan noqotay mid hadal hayn ka dhalisay Dhuusomareeb.

Sanadihii ugu dambeeyay, waxaa soo badanayay kiisaska kufsiyada nuucaan oo kale ah. Lama oga waxa ka dambeeya in macalin dugsi qur’aan uu kufsi kula kaco ardayda uu waxbarayo.

Puntland oo kamid ah meelaha ay kiisaskan oo kale ka dhacaan ayaa dhawaan wasaaraddooda haweenka waxay sheegtay inay ka fikirayso in gabadha loo sameeyo digsiyo u gaar ah oo ay dumar macallimiin ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.