Home Afsomali Galmudug oo soo saartay Jadwalka doorashada Saddex Kursi

Galmudug oo soo saartay Jadwalka doorashada Saddex Kursi

Guddiga Doorashada dowlad Goboleedka  Galmudug ayaa shaaciyay  Guddiga Xulista Kuraasta kala ah HOP#018, HOP#021 iyo HOP#020 iyo xiliga qabashada doorashada kuraastaas.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada Saddexda kursi la qaban doono Maalinta berito oo talaado ah taariikhduna ku beegan tahay 15/3/2022, waxaana kuraasta la dooranayo iyo dadka hadda ku fadhiya ay kala yihiin.

1: HOP#018 oo uu ku fadhiyo Qaasim Maxamed Jaamac oo la dhashay Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir  Goobe)  waxaana u sharraxan musharrixiin dhowr ah oo doonaya inay ku tartamaan.

2: HOP#021 oo ay ku fadhiso Maryan Xaaji Cabdi Geedi, balse kursigaan ayaa waxaa ku tartami doono Rag kadib markii laga wareejiyay Qoondada dumarka.

3: HOP#020 oo uu ku fadhiyay Cali Axmed Shariif Cusmaan, balse loo bedelay Qoondo Haween, iyada oo kursigaan uu doonayay Taliyihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Daahir Aadan cilmi (Indhaqarashe).

Maamulka Galmudug ayaa Maalinta berito ah soo geba-gabeeynaya doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug, iyaga oo ku aadiyay waqtigii loo qabtay in doorasahda Golaha Shacabka la soo geba-gabeeyo oo ku beegan 15/3/2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.