Home Afsomali Galmudug oo xal ka gaartay Shaqaaqo ka taagneyd Kastamka Canshuuraha Gaalkacyo

Galmudug oo xal ka gaartay Shaqaaqo ka taagneyd Kastamka Canshuuraha Gaalkacyo

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa dadaal ka dib xalay ku guulaystay xal u helidda Xirnaanshaha Kastamka Gaalkacyo oo afartii maalin ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo beeleed ka gadoodsan tabasho la xariirta xuquuq uga maqan awood qeybsiga Dowlad Goboleedka Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka oo garab ka helayay Odoyaasha iyo Waxgaradka Gaobolka ayaa ku guulaystay in la fasaxo Gaadiidkii ku xanibnaa kastamka magaalada, isla markaana muddo lagu heshiiyay in lagu xaliyo Tabashada Beeshaan.

Axmed xuseen Shire Bukhaari ayaa uga mahadceliyay Odoyaashii, Waxgaradkii iyo saraakiishii ka qeyb qaatay in la fasaxo dadkii musaafirka ahaa ee ku xanibnaa kastamka. Wuxuuna dhanka kale beesha ku aamaanay siday u aqbaleen codsaga Maamulka iyo kan waxgaradka Gobolka.

Ciidamo Beeleedka Gacanta ku haayay Maalmihii la soo dhaafay Kastamka Canshuuraha Magaalada Gaalkacyo ayaa ka gadoodsanaa xaquuq ay sheegeen inay uga maqan tahay Maamulka Galmudug, waxaana u xayirnaa Gaadiid agab kala duwan u siday Magaalada Gaalkacyo & degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.