Home Afsomali Galmudugta cusub oo u midoobay si ay shacabka canshuur uga wada qaataan...

Galmudugta cusub oo u midoobay si ay shacabka canshuur uga wada qaataan ma jiro hurumar kale

Xili maamulka galmudug uusan Bulshada u qaban adeegii guud ee arimaha caafimaadka ,amaanka waxbarashada ,biyaha saraca beeraha IWM oo u kala siman yahay muumulada fadhidka ah ee dalka ka hana qaaday ayaa Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawan ay bilaabi doonaan   qaadista Canshuur mideysan kaddib markii sida uu sheegay la mideeyay Maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dhammaan degaanada maamulka Galmudug si isku mid ah Canshuurta looga qaado.

Wasiirka ayaa xusay in dhammaan Shacabka Galmudug laga doonaayo in ay bixiyaan Canshuurta ku waajibtay.

Waxaa uu xusay in isku tashi uu muhiim u yahay Maamulka Galmudug,waxaana uu sheegay in ku takrifal dhaqaale uusan dhici doonin islamarkaana isla xisaabtan dhab ah ay wajidi doonaan Hay’adaha maaliyadda Galmudug.

Heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ku midoobeen ayuu Tilmaamay in ay u saamaxeyso in dhamaan degaannada Galmudug laga qaado canshuur mideysan taas oo uu sheegay in maamul ahaan ay si wanaagsan uga shaqeyn doonaan.

Wasaaradda Maaliyadda maamulka Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo maaliyadda degaanda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.