Wargeyska The-independent ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa daabacay warbixin uu ka qoray ninka ugu shaatiga qaalisan caalamka.
Mr. Pankaj Parakh oo ah siyaasi iyo ganacsade ku nool magaalada Yeola ee dalka #India ayaa dhalashadiisii 45-aad usoo xirtay shaati ka sameysan dahab saafi ah oo uu miizaankiisu yahay 4 kiiloogaraam, qiimihiisuna ku kacay $214,000(Laba boqol toban iyo afar kun oo dollar).
Koox ka kooban 19 qofood oo ay ku qaadatay labo bilood ayaa naqshadeysay shaatigaan, wuxuuna Mr. Panjak sameystay 4-Wiil oo ilaalo ah oo ku dhinac-ordeyso marka uu socdo, si ay tuugada uga ilaaliyaan masuulkaan dahabiga ah.