Ganacsade xaaji iidow oo fariin dabacsan u diray taliyaha qeybta guud ee bolice ka Gobolka banaadir macalin mahadi Muumin
Milkiilaha maqaayada isasaar Xarunta Xamar weyne Ibraahin Isaaq Cabdi Xaaji iidow oo dhawaan maqaayadiisa iyo isaguba mudo kooban ku xirmeen ismaan dhaaf u dhaxeeyey isaga iyo dhaxaltooyada dhismaha uu dagan yahay ee cawaale jamac ayaa xili uu warbaahinta la hadlayey soo hadal qaaday Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin wuxuuna arintaa ku macneeyey inay tahay waayeel xanuunsaday xil ma garto uuna ka raali galiyey hadalkii gefka ahaa ee ka dhacay maadaama uu ahaa dhibane raadsanayey xaq ka maqnaa .
Wuxuuna sidoo kale sheegey ganacsaduhu in uu aad uga xun yahy canaanta iyo dhibka soo garay taliyaha saldhiga dagmada xamar weyne gaashaanle farxaan Xasan taasoo ah iyane ah ku qabatay waa la qaataa taliyaha ayaana masuul ka ahaa dib u firida maqaayada uuna raacay amarkii maxkadma ay xayiraada uga qaaday maqaayada isasaar
Wuxuuna ugu danbeyntii ganacsade Ibraahin Isaaq Cabdi Xaaji iidow maxkadmada ka dalbaday in ay arinkiisa cadaalada marsiiso isla markaana xaqa ka maqan meel u saarto dhainacyada dhulka kala iibgsaday si aan dhaqso dhismaha uga baxo
Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii sidaan
Tan iyo markii la magacaabay Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa gobolka banadir waxaa laga dareemayaa neecaaw nabadeed oo ay bulshadu isku haleyn karto habeen iyo maalin waxaana batay soo qabashada eedeysanayaasha tuugta iyo burcada kuwaas oo toos u wajaha maxkamada awooda u leh kiisaskooda