Home Afsomali Ganacsatada ay ka mid yihiin tujaaru xarbiga ee diiday in ay canshuur...

Ganacsatada ay ka mid yihiin tujaaru xarbiga ee diiday in ay canshuur bixiyaan ayaa ku kala qeybsamay go.aanka bagaash kala dagida maraakiibta xamuulka

Dekeda Muqdisho ayaa dib u shaqo bilowday maanta markii muddo todobaad ah ay hakad ku jireen howlihii ka socday sababo la xiriira ganacsatada oo diiday iney bixiyaan lacago dheeraad ah oo lagu daray canshuurihii laga qaadi jiray.

Arintan ayaa timid markii Ganacsatada Gobolkaan Banaadir ay ku kala qeybsameen bixinta canshuuraha dheeriga ah ka dib kulankii ay shalay la qaateen raisul wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulankaas ayaa leysku mari waayay isagoo ku soo dhamaaday natiijo la`aan, hase ahaatee ganacsatada qaarkood ayaa go’aansaday iney bixiyaan canshuuraha dheeriga ah ayna u hogaansamaan hadalka raisul wasaaraha halka qaar kale ay wali u taagan yihiin go`aankii hore.

Mudooyinkaan dambe waxaa hakad ku jiray shaqada Dekada magaalada Muqdisho oo aan u socon sidii loogu talo galay kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ay joojiyeen in ay la baxaan Badeecadaha uga jira gudaha Dekada iyagoo ka biyo diidan canshuur lagu soo rogay in laga qaado taasoo ah % 5 qiimaha badeecada ay keenaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.