Home Afsomali Ganacsatada Somaliland oo 8 Milyan oo dollar ugu  deeqay ganacsatadii ku hanti...

Ganacsatada Somaliland oo 8 Milyan oo dollar ugu  deeqay ganacsatadii ku hanti beelay  Suuqa Hargeysa

Ganacsatada Somaliland ayaa ku dhawaaqay maaliyiin doollar oo ay ugu deeqi doonaan ganacsatadii dhawaan ku hanti beeshay Suuqa Waaheen ee maagaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland ka dib markii dab xooggan uu ka kacay.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu isugu yeeray ganacsatada waa weyn ee Somaliland si loo caawiyo dadkaasi.

Waxaa uu sheegay in hadda lagu dhawaaqay lacag dhan 8 Malyuun oo Doolar  Saacaddii Afurka xalay  kaliyah ayna sii wadi doonaan.

Lacagtan waxa lagaga dhawaaqay Afur iyo Casho uu Madaxwayne Muuse Biixi xalay u sameeyay qaar ka mid ah ganacsatada dalka.

Sidda uu sheegay Agaasimaha  Waxa ay muujinayeen ganacsatada  sida ay bulshada Somaliland niyadda ay uuga tahay in ay istaageeraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.