Home Afsomali Ganacsatada Somaliland Oo Walaac Kamuujiyay Goaanka Ay Xukuumadu Ku Joojisay Bacihii Adeega...

Ganacsatada Somaliland Oo Walaac Kamuujiyay Goaanka Ay Xukuumadu Ku Joojisay Bacihii Adeega Oo Qorshe Ay Ku Badasho Aanay Udajinin Iyo Shacbiga Oo Dareemay.

bacaha-qarashinka

Madaxweynaha Somaliland, ayaa 14-kii April 2015 ee sannadkii hore soo saaray Wareegto uu ku mabnoocay iibinta, soo dejinta iyo adeegsiga Bacaha kala duwan ee alaabooyinka kala geddisan lagu qaato ama dadku ku adeegtaan, kuwaasoo uu Wareegtadiisa ku xusay inay dhibaato ku hayaan deegaanka iyo bilicda magaalooyinka dalka.

 Ganacsatada Somaliland  Ayaa Walaacwayn ka Muujiyay goaanka ay xukuumadu ku joojisay bacihii ay dadwaynuhu adeega ku ridan jireen ku waasoo aanay xukuumadu udajinin wixii badalkooda.ahaa.taasoo sidoo.kale.ay.dadwaynuhuna dareemeen baahida adeeg ee ay U Dabooli jireen iyo qorshala aanta xukuumada ee ku wajahan go aanka.

 Xukuumada oo ganacsatadu uaragto mid lagu dagdagay qaar ka mid ah ganacsatada ayaa noo xaqiijiyay cabashadooda iyo walaaca ay ka qabaan goaankaa.xukuumada oo ay ku tilmaameen mid laablakac ah

Qaar ka mida ganacsatada dalka oo ka hadlay ayaa yidhi” maaha inaanu ka soo horjeedno joojinta bacaha, laakiin waxa  haboon in la keeno  badalkii bacaha, sababtoo ah bulshdeenu waxay u badan tahay danyar.

Sidoo kale sida aynu wada ognahay waxay ku adeegtaan bacaha oo ay waxa ku shubtaan ama ay waxa ku qaataan.

Hadaba waxaanu u soo jeedinaynaa dawladda  in bacaha laga joojiyo dekeda, badalkeediina ay dawladdu keento ama ganacsatadu oo ay u soo bandhigto wixii ku haboon ee aan deegaakeena waxba yeelayn.

Waddankeena waxa ka jira si aynu wada ognhay duruufo dhaale  xumo oo aanay dadku awoodi karin inay iska bixiyaan  ganaax.  Waxaanu  u soo jeedinaynaa dawladda gaar ahaan wasaaradda Deegaanka in ay bulshada hoos u eegto.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.