Home Afsomali Ganacsato Somali ah oo hantidooda lagu boobay Koonfur Afrika

Ganacsato Somali ah oo hantidooda lagu boobay Koonfur Afrika

Waxaa weli dalka Koonfur Afrika ka socda boob xoogan oo loo geysanayo Goobaha Ganacsiga ay Magaalooyin kamid ah dalkaasi ku leeyihiin dadka Ajaanibta ah sigaar ah Soomaalida, iyada oo saacadihii la soo dhaafay dhowr dukan la boobay.

Magaalada Cape Town gaar ahaan Xaafadda Kraaifontein waxaa weli ka socda banaanbaxyo rabshado wata iyo boob loo geysanayo Goobaha Ganacsiga falalkaas oo ay sameynayaan dad Koonfur Afrikan ah oo dhigayay banaanbax ay uga cabanayaan Shaqa la’aan ka jirta dalkaas.

brahim Mataan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Xaafadda Kraaifontein ee Magaalada Cape Town ayaa sheegay in la boobay ilaa ku dhowaad 5 Dukaan ay Soomaali leeyihiin, isla markaana Ganacsatada kale ay walwal iyo cabsi soo wajahday.

Waxaa uu sheegay in Goobaha banaanbaxyada iyo boobka ay ka socdaan ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, hayeeshee ay waxka qaban waayeen dhibaatada lagu haayo dadka Ajaanibta ah.

Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray Qulqulatooyin kusii fidayey deegaano cusub, halka Dowladduna aysan wali wax tallaabo adag ah qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.