Ganacsiga shuftada ah iyo ganacsatada ku howlan
Burburkii dowladii dhaxe dalka waxaa qeyb lama iloobaan ah ka qaatay ganacsato taageerayey cid kasta oo dooneysa in ay dumiso rajiimkii markaa jira matoorkii ay shideena weli lama damin ,waxaana furmay suuq la dhihi jiray waladaye oo loo raray wixii dalku lahaa
Ganacsatada ayaa ganacsigooda bud dhig uga dhigay in ay ka tanaasulaan ducument dowladeed waxayna si aan sharciga waafaqsaneyn isticmaalaan damiin sugnaan iyo codod iyo muuqaalo la duubay iyo iwl
Ganacsatada waxaa la og yahay in ay dalka ka dhoofiyeen dhuxushii xoolihii dhedig haweenkiioo ay sacuudiga geeyeen alaabooyin dalka muhiim u ahaa sida taalooyinkii dalku lahaa ugaartii duurjoogta aheyd haatana uu socdo beegsiga diidiinka,waxaana jira in ay ibiyaan isla markaana iibsadaan guryahay laga maqan yahay kuwa dowlada iyo barxada banaan mararka qaarkoodna ayba dhistaan wadoyinka dhaxdooda sida horey loo arkay guri wado ku dhaxyaal oo quful iyo albaab loo yeelay .
Xalaadi waa cadahay ganacsatada somaliyueed qaarkood ayaa ka leexday wadadii saxda aheyd ee ganacsiga waxaana taa badelkoodii ay ku dhaqaaqeen ku ganacsiga suuqa madow iyo waxyaabaha bulshada ka dhaxeeya taasina waxay sahashay in xitaa hey.adii lagu magaacaabayey gargaarka in ay keenaan kuna dhiiradaan waxyaabaha dhacay in ay dalka galiyaan .
Ganacsatadu waa kuwa xaalufiyey geel miroodkii dalka isla markaana dhuxul ahaan u iibgeeye waa kuwa daldalshay oo cuuryaamiyey dugsiyadii wax barashada tubooyinkii ceelasha biyaha qasabadihii guryaha biyaha geyn jiray iyo dhamaan dhulalkii banaanaa ee danta guud waxay ku qaadeen qodobka halaambeey oo waxba ha dhaafin xitaa waxay iibsadeen qaarkood xilalkii dowlada oo waxay qooto qooto ku noqdeen xildhibaan ama sarkaal Madax iyo I,W,L
Ganacsadata ayaa jecel in dalka ay waxyaabaha ay ka ganacsanayaa ku soo galiyaan qaab canshuur dhaaf ah waxeyna dadaal ku bixiyaan hareer marka qaabka sharcigu u ogol yahay
ganacsiga hada ayaan u muuqan in uu ganacsi yahay balse lagu tilmaami karo Ganacsi shufto
marka aad fiiriso qaab ganacsatadu dalka ku geeyaan alaabooyinka dhacay iyo dalabkooda ku saleysan marka ay tagaan warshadaha dalalka aasiya oo la sheegay in ay ka dalbadaan waxyaabho aan tayo laheyn ama taariikhda ay dhacayaan soo dhowldahay iyada oo taasi jirto ayey hadana ku darsadeen in ay canshuurta dalka bixiin oo ay diidaan muraaradka dowladana si dadban u taageeraan