Home Afsomali Ganaraal Gabrihii Somalia looga caal waayey oo Urur Goboleydka IGAD uu dalka...

Ganaraal Gabrihii Somalia looga caal waayey oo Urur Goboleydka IGAD uu dalka ka ceyriyey

Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre.

Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Warqaddaas waxaa BBC soo gaarsiiyey xubno ka tirsan IGAD oo dalbaday in aan magacooda la soo xigan.

Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo.

Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa jeneraal gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba hore loo siiyey.

Siiqada ay u qornayd warqadda xil-ka-qaadista ee jeneraal Gabre ayaa ahayd mid aad u adag oo aan inta badan la adeegsan marka la eryayo mas’uul sare.

Inkastoo aysan caddayn sababta shaqada looga eryey jeneraal Gabre, misna dadka wax indha-indheeya waxay u tirinayaan qodobbada soo socda inay ka dambeeyaan in xilka laga qaado.

 

1- Jeneral Gabre wuxuu ku maqnaa markii xilka laga qaadayey dalka South Sudan oo hawlo shaqo uu u aaday, hase yeeshee isagoo shaqadaas rasmiga ah haya ayuu misna, sida ay BBC-da u xaqiijijyeen ilo kala duwan, wuxuu faraha kula jiray arrimaha Soomaaliya isagoo faragelin ku hayey.

2- Xil ka qaadistiisa waxay ku soo beegantay iyadoo waddanka Itoobiya ay ka socoto dabayl siyaasadeed oo isbeddello wadata, waxaana loo badinayaa in raalli ahaanshaha Itoobiya ee ah in xilka laga qaado uusan meesha ka marnayn. Waxaa tan wehliya cadaadis ay DF Somalia ku saartay Abiy Ahmed in xilka laga qadao Gabre

Jeneraal Gabre wuxuu dhowrkii iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn leh marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya.

Gabre wuxuu saaxiibo badan ku dhex leeyahay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee Soomaalida.

Sannadkii hore, bishii Juun ayey ahayd markii loo magacaabay xilkan ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee IGAD, oo ah xil siyaasadeed.

Ka sokow IGAD, Gabre ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, wuxuuna xiriir dhow la lahaa maamul goboleedyada Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Wuxuu aad ugu dhowaa Axmed Madoobe oo bil walba uu lacag ka qaadan jiray iyo kooxda Damu-Jadiid ee hogaanka dalka lagala wareegay, gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir.

Ceyrinta Gabre, oo ah nin ay aad u neceb yihiin Soomaalida, ayaa noqon doonta mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee lagu xasuusan doono dowladda hadda jirta, oo ka dagaalameysa in dalal shisheeye ay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.