Home Afsomali Garba haareey oo laga diiday in doorashada kuraasta taal lagu qabto ceelwaaq

Garba haareey oo laga diiday in doorashada kuraasta taal lagu qabto ceelwaaq

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal ee doorashada looga wareejiyey magaalada Garbahaarey, lana geeyey degmada Ceelwaaq.

Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in go’aankaas uu khilaafsan yahay Heshiiskii 17 September ee dhigayey in dowlad goboleed kasta uu labo magaalo ku qabto doorashada.

“Garbahaarrey Heshiiskii 17 September ayay ka mid tahay, xildhibaannada la dhaarinayay waxa lagu dhaariyay waa 17 September, kuwa dhiman waxa lagu soo dooranayaana waa 17 September, cid hal qodob ka beddeli karta ma jirto, shalayna waan taagneyn haddana waan taagannahay,”ayuu yiri.

Buulle Gareed ayaa ku eedeeyay Guddiga FEIT inaysan habeysneyn oo ay dhowr garab noqotay. “Waxaan ku xaqiijinayaa in haddii warqaddaas ay xaqiiq noqoto aan Garbahaarrey ku dooran doonno xildhibaannadii dhinnaa oo ay doorashada Garbahaarrey ka dhacayso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii horeba aan lagu heshiin waayin in doorashada ay Garbahaarrey ka dhacdo, isla markaana ay ku jirtay qodobbada heshiiskii 17 September, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin arrintaas ayna doorashada qabsan doonaan.

“Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magan uga nahayna ma laha.” Ayuu yiri Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle Gareed.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarrey ee gobolka Gedo loo wareejiyay magaalada Ceelwaaq ee isla gobolkaas.

“Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragal ahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaarrey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga oo markii dambe ay taageereen RW Rooble iyo hogaamiyaha Jubbalad Axmed Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.