Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa ku dhawaaqday in kolonyadii ugu horreysay ee sida gargaar caafimaad ay gaartay shalay gobolka Tigre, ee waqooyiga Itoobiya, kaddib heshiiskii nabadeed ee horaantii bishii November ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Tigre ee TBLF.
Afhayeen u hadlay Guddiyada gurmadka ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kolonyadii ugu horreysay ee sidda sahay caafimaad oo ka timid Laanqeyrta Cas ay gaartay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigre.